Folk Tale

Qayb-Libaax

AuthorAbdulkhaliq Shikh-Osman
ATU51
LanguageSomali
OriginSomalia

Beri baa Libaax, Dacawo, goray, Dhurwaa iyo bakayle ayaa geel wada lahaa. Dacawada, Gorayga, Dhurwaaga iyo bakaylaa maalinba midbaa geela raaca ama labaa wadda raaca. Libaaxunna wuu iska Joogaa waayo isagu waa boqorkii.

Maalintii danbe, "waxa wada raacay geelii, dacawadii iyo goraygii markaasay tidhi dacawadii ama xabag inoo doon ama geela la sii joog".

"Geelaan la sii joogayaa " goraygii.

Dacawadii ayaa xabagtii doontay, markaasay laba dhagax xabag korkooda u soo marisay.

"Hoo xabagtan liq", dacawadii ayaa tidhi.

Markaasuu liqay goraygii oo uu ku margaday, cunnahana u fadhiisatay.

"Geela soo kaxee oo ku soo hees", tidhi dacawadii.

"Wuu-uu-uu-mn" goray oo codkii ka soo bixiwaayey.

"Gorayow geela ha didin", dacawaa tidhi.

Markay yimaadeen gurigii ayey libaaxii u sheegtay oo tidhi maantoo dhan goraygu geeluu didinayey.

"Maxaa kugu dhacay ee aad geela u didinaysaa? Libaaxii ayaa waydiiyay.

"Wuu-uu-uu-mn", goray.

"Ogaan ayuu kuu diidayaa", dacawo.

Libaaxii goraygii ayuu ku soo booday uu dilay.

Maalintii labaad, bakayle iyo dawoco ayaa geelii wada raacay. Hadhkii markay ahayd ay gaajootay oo ay cano libaax xasaystay dhantay. Markay dhamaysay ayey labeentii caanaha soo qaaday, sidii wax la cayaaraya ayey bakaylihii labeentii afka u marmarisay. "Caanahaygii yaa dhamay?" yidhi libaaxii.

"Bakaylaa afka labeen ku leh oo dhamay", ku jawaabtay dacawadii.

Bakaylihiina libaaxii ayaa dilay.

Maalintii danbe ayuu libaaxii hal dilay, markaasuu habar - dugaag oo dhan isugu yeedhay.

"Inoo qaybiya hilibkan oo waraabow qaybi", yidhi libaaxii.

Laba qaybood ayuu ka dhigay, qaybna libaaxow qaado ayuu yidhi qaybta kalena intayadda kale.

Libaaxii wuu ka xanaaqay qaybtii dhurwaaga oo dhirbaaxo ayuu il kaga soo tuuray.

"Dawoco qaybi", yidhi libaaxii.

"Sadex meelood marka laga dhigo, laba qaybood libaax ayaa leh, meelna habar-dugaag, may, may! qaybiyee wada qaado". tidhi dacawadii.

"Oh.Ho.Ho. Yaa ku baray dacowoy qaybta?" Libaaxii oo faraxsan.

"Isha cumar ka laalaada ayaa i bartay", ku jawaabtay dacawadii.

Maalintii danbe ayey libaaxii ku tidhi gogol cusub ayaan kuun samaynayaaye tii hore way kaa gabowday ee maanta geela raac. Libaax markaas ayuu yidhi "waan u baahnaaye ii samee".

God ayey u qoday markassay dab iyo xaabo ku shidday, markaasay godka afkiisii caws saartay iyo qoryo.

"Bal ku soo bood gogoshan cusub ee aan kuu sameeyey", tidhi dacawo. Libaaxii ayaa ku soo booday oo godkii ku dhacay oo ku gubtay.

Dhurwaagii oo ishii hadhay saxar kaga dhacay ayaa u yimid dacawadii.

"Saxarka isha iiga saar", yidhi dhurwaa.

Dacawadii isha ayey qori ka galisay oo ishii labaad kaga soo tuurtay.

Halkaas ayey dawacadii geelii uugu hadhay kaligeed.


Text view